Kulanka Baarlamaanka oo kooram la’aan u qabsoomi waayay

Kulan ay Baarlamaanka Soomaaliya maanta ku yeelan lahaayeen xaruntooda Magaalada Muqdisho ayaan qabsoomin kadib markii kooramka ama tirada uu ku furmayo kalfadhiga baarlamaanka uu soo dhameystirmi waayay.

Kulankan oo horey xildhbaanada loogu wargeliyay in saxaafaddu aysan kasoo qeybgeli doonin ayaa saakay markii xildhibaannada qaar ay soo xaadireen oo cabaar ay isasugeen ayaa lagu wargeliyay in kulanka uusan qabsoomi karin maadaama la waayay tiradii kooramka aheyd ee fadhiga baarlamaanka uu ku furmi lahaa.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa in lala xisaabtamo guddoonka baarlamaanka oo lagu soo eedeeyay in ay faragelin ku hayaan dhismaha xukuumadda uu soo wado ra’iisal wasaare kheyre.

Wararka qaar oo MuqdishoOnline.com ay heleyso ayaa sheegaya in xildhibaannada ay ku hawlan yihiin sidii ay wasiiro ku noqon lahaayeen taasina ay sababtay in kulanka la iskugu imaan waayay maanta.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo ah sharci dejiyayaal ayaa ku hawlan helista kursi wasiir, waxaana dhibaatada ugu weyn ee heysata ra’iisal wasaare kheyre la sheegayaa in ay tahay kadib markii uu xildhibaannada meel uu uga baxsado uu waayay taasina ay sababtay in xukuumadda dhismaheeda uu lasoo daaho.

Please follow and like us:
0

Related posts

Leave a Comment