Madaxweyne Farmaajo maka dhabeyn doonaa ballanqaadkii uu sameeyay?

Jagadii madaxtinimada Soomaaliya ee tartanka loogu jiray ayaa waxa ku guulaystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo loo doortay inuu noqdo madaxweynaha afarta sannadood ee soo socda dalka hogaamin doona. Farmaajo wuxu hore u soo qabtay jagada Ra’isal wasaarenimo waxaanu haystaa dhalashada dalka Maraykanka. Madaxweynaha la doortay waxa horyaalla hawlo badan, isaguna intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxu sheegay in uu damacsanyahay in uu dalka ka hirgeliyo isbeddel siyaasadeed iyo mid maamul labadaba. Khudbadii uu ugu soo badhigay golaha baarlamanka oo socotay muddo nusu-saace ku dhaw, ayaa Farmaajo wuxu kaga hadlay…

Read More

Waa kuma madaxweyne Farmaajo?

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loo doortay madaxweyne ka dib markii Xasan Sheekh uu qirtay guul darro markii uu dhammaaday wareegii labaad ee codbixinta. Haddba waa kuma Farmaajo? Maxamed Cabdullaahi Farmajo waxa uu ku dhashay Caasimada Muqdisho sanadkii 1962-dii. Waxa uu dugsiga dhexe uga baxay iskuulka 1-da Luuliyo, kan sarena wuxuu ku qaatay dugsigii farsamada gacanta ee Lafoole. Faramaajo waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo muddo dheer deganaa magaalada New York ee dalkan Maraykanka. Wuxuu inta badan noloshiisa ku soo qaatay qurbaha, gaar ahaan dalka Maraykanka. Farmaajo waa…

Read More