Wasiir Nuux oo dib ugu guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee Beeshiisa

0
15

iyadoo weli ay soconeyso dib ugu noqoshada illaa 5kursi oo la sheegay in waajib ay tahay doorashadii kuraastaasi in dib loogu laabto ayaa waxaa maanta lagu tartamay mid kamid ah kuraastaasi lagu celinayay.

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Xasan Nuux ayaa markale maanta ku guuleystay kursiga beesha Jiidle ee golaha shacabka, waxaana ay ka dhacday doorashadan magaalada Muqdisho.

Kursigan oo horey loogu doortay maamulka Hirshabelle ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana sabab u ahaa in lagu celiyo kadib markii dood dheer iyo dacwad ay ka timid kursigan.

kursigan ayaa waxaa u tartamay illaa 6 musharrax, Saddex kamid ah musharraxiintaasi ma aaney soo xaadirin goobta doorashada, Saddexdii timidna mid kamid ah waxa uu hoolka doorashada ka tagay inta aaney bilaaban doorashada, waxaana meesha isugu soo haray Wasiir Nuux iyo Hinda Maxamed Cumar oo tartanka doorashada wada galay.

Codadka ayaa loo kala helay sidan:-
 

Maxamed C/llaahi Xasan Nuux waxa uu helay 43 cod
Hinda Maxamed Cumar waxa ay heshay 1 cod.

Doorashada ayaa kusoo dhammaatay jawi wanaagsan, iyadoo meel gabagabo ah ay marayaan dib u doorashada kuraastii lagu soo celiyey maamul goboleedyada, waxaana la doonayaa maalmahan kooban ee ka harsan doorashada madaxweynaha Soomaaliya in laga gaarsiiyo oo kuraastii muranka gashay dib loo soxo.

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here