HALKEE LAGU QABAN DOONAA DOORASHADA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA (XALANE AMA DUGSIGA JEN.KAAHIYE.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xarunta lagu qabanayo Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku yimid isbadal xilli doorashadu ay ka harsan tahay muddo 4maalmood ah.

Ilo wareed Muhim ah oo Muqdisho Online u waramay kuna dhaw guddiga qaban qaabada doorashooyinka ayaa sheegaya in doorashada ay kudhawdahay in la isku afgarto in laga wareejiyo halkii horey loogu qorsheeyay oo aheyd xarunta Dugsiga Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

ilo wareedka ayaa intaasi ku daraya in arintani ay timid kadib markii musharaxiinta qaar ay dacwad u gudbiyeen u qaabilsanaha QM ee Soomaaliya, waxaana ay ku andacoodeen in ammaanka xaruntaasi aanan la isku haleyn karin maalinta dooraashada iyaga oo cabashadooda intaasi raaciyay in dadka kusugan xarunta Jeneraal Kaahiye ay taageersan yihiin Madaxweynaha talada dalka haya xilligan Xasan Sheekh Maxamuud ahna Musharrax.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa dacwaddan in ay ku saleysneyd cabsi laga qabo ammaanka xildhibaannada haddii Musharrax Xasan Sheekh uu ku guuleysan waayo doorashada.

Guddiga Doorashada ayaa xilligan galaya abaabul kale oo deg deg ah hayeeshee dhinaca loojistikada ayaa sida muuqata Kooxda Xalane degan waxa ay heystaan qandaraas qaateyaal ajaanib ah kuwaasi oo si deg deg ah ku habeyn kara hool weyn oo suuragal ay tahay in doorashada lagu qabto, waxaana dhowaan laga filayaa guddiga in ay ku dhawaaqaan halka ay doorashadu ka dhaceyso.

Please follow and like us:
0

Related posts

Leave a Comment