Yaa xilka Madaxweynaha Soomaaliya u waajibiyay Beelaha Hawiye iyo Daarood..? [Qormo xasaasi ah]

0
185

Xilalka sare dowladda Soomaaliya waxay noqdeen kuwo beelo gaara u cayiman, taasoo tartanka doorasho kasta ka dhigtay in la sii ogyahay beelaha madaxweynaha noqon doonta.

Nidaamka awood qeybsiga 4.5 ayaa sii xoojiyay in beelaha Daarood iyo Hawiye oo kaliya ay ku loolamaan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo beeshii ku guuleysta madaxweynaha ay tan kale qaadato xilka Ra’iisal wasaaraha.

Waxay noqotay taariikh soo taxneyd tan iyo intii ay Soomaaliya xoriyadeeda qaadatay in labadaas beelood oo qura ka yimaado madaxweynaha Soomaaliya, waxayna qabaan dadka kasoo jeeda beelaha kale in dhibaatada Soomaaliya ay sal u yihiin labadan beelood ee is heysta.

Dastuurka dalka u yaala ee qoran waxaa ka xoog badan mid aan qorneyn oo ah dagaal maskaxeed umadda laga dhaadhiciyay inay labadan beelood ug tiro badan yihiin Soomaaliya, taasoo aanay jirin cid caddeyn u heli karta. Dhibaatada Soomaaliya waxaa qeyb ka ah xilalka sare oo laba beelood u xiran, iyagiina ay yihiin kuwo is ilaashanaya oo isula taagan jalaafo iyo is khaarijin siyaasadeed.

Haddii madaxweynaha Hawiye noqdo wuxuu ku qasban yahay inuu la shaqeeyo Ra’iisal wasaare Daarood ah oo is fahamkoodu qaado waqti marar badanna ay dhacday inay isku dhacaan oo dowladii ka shaqeyn weydo.

Haddiise madaxweynuhu noqdo Daarood waxaa dhaceysa in Ra’iisal wasaarihii uu magacaabo isu qaato inuu ka awood badan yahay maadaama Muqdisho la joogo, taasina ay dhaliso isku dhac labadii hay’adood ee madaxtooyada iyo Fulinta.

Dhibaatadan aan dhammaadka lahayn waxay u muuqataa mid xal loo waayay, waxayna labadan beelood noqdeen kuwo aan heshiis ahayn herdankooduna la degay Soomaalidii kale, sidaasoo ay tahay beelahan dhexdooda heshiis maaha.

Beesha Majeerteen ayaa ah tan ugu tunka weyn Daarood oo dooneysa inay hesho madaxweyne ama Ra’iisal wasaare, taasoo haddii aysan dhicin aysan shaqeyn karin dowladii la dhiso.

Dhinaca kale waxaa taagan Abgaal oo u heysta inuu xaq u leeyahay in madaxweynaha Soomaaliya beeshaasi yeelato.

Awood qeybsiga qabiilka ku dhisan ee gaaray heerkan waxay Soomaalida uga bixi kartaa in al iska iloobo labadan beelood ee Soomaaliya dhulka la galay, fursadna la siiyo arrimaha soo socda.

1- In xilka Madaxweynaha ay ka tanaasulaan beelaha Hawiye iyo Daarood.

2- In xilka Madaxweynaha Soomaaliya la siiyo Somailand si midnimada loo dhaafsado.

3- In xilka Madaxweynaha la siiyo beesha Shanaad si markooda loo tijaabiyo hogaankooda

4- In Xilka Madaxweynaha lagu tijaabo beesha Digil iyo Mirifle.

Beelaha awooda badan is biday waxaan u soo jeedin lahaa inay laba xilli doorasho candhuuftooda dib u liqaan oo jagooyin wasiiro iska qaataan, si umadda kale loo tijaabiyo ileyn hogaanka Hawiye iyo Daarood waa lagu hoogaye.

 

Waxaa qoray : –

Xasan Macallin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here