Muqdisho Xilligan musharax kasta waa MADAXWEYNE..! [Qormo dhab ka hadal ah] -Akhriso

0
695

Muqdisho xiligan la joogo musharax kasta waa madaxweyne, waxaa uu leeyahay ilaalo, koox hab maamuus, kuwo ilaaliya ballamaha iyo booqashada , kuwo suuqa ugu jira oo ugu yaraan magacaydooda ka sheeg sheega meelahaasi iyo koox baraha bulshada u qaabilsan.

 

Xarumaha ay deganyihiin waa kuwo laga shaqeeyay oo ugu yaraan u diyaarsan, waxaa dhacda in sadex ama labo xarumood ugu yaraan hal musharax u kiraysantahay, waxay dhex socdaan magaalada iyagoo uu weheliyo ugu yaraan hal gaari oo ciidan ah, intooda badan xildhibaano ayaa hareeraha ka jooga , saaxiibo aaminsan in ay dowladd la dhisayaan oo mar mar aad moodo in lagu saleeyay shaxda (4.5) ayaa musharax kasta ka agdhow odayaal dhaqan kama maqna haweenkuna doorkooda ayeey ka qaadanayaan.

 

Musharaxkasta mid xil haya iyo mid aan haynba waxaa yar wakhtigiisa, waxaa uu joogaa maalmo uu jilayo in uu talinayo isaga oo aan hubin in uu sidan sii ahaan doono sanado! mid kasta waxaa loogu yeeraya madaxweyne! mar mar waxaa arkaysaa iyagoo dhowr ah oo midba kan kale ku leeyahay madaxweyne! Waxaa uu musharax kasta aad u jecelyahay in ay maqlaan waxii dhegahooda ujilicsan sida amaanta , talaabo uu sameeyay oo kooxda agjoogta ku amaanto , ama in loo sheego daldaloolada qofka uu isagu khatar u arko, si ay u gasho rajo guul ah.

 

Markaan oo kale waxaa albaab kasta u furanyahay waa xildhibaanada oo musharax kasta uu kor ka tirsanayo, iyaguna isku si u qaabilaya musharixiinta, balse codkooda la ogaanayo daqiiqada u danbeysa.

 

Musharixiintu hada mid kasta waa madaxweyne, balse 8-Febraayo hal mid ayaa noqonaya madaxweyne oo sii joogteysanaya adeega uu haysto maanta oo lagu daray awooda qaranka.

 

W/Q: Weriye Jaamaca Dabaraani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here